In all factors I would advise myself
Dhamaan arimahan aaan kuu sheegi doono waxaan kula talin lahaa naftayda bal adna ila fiiri laga yaabaa inaad hesho talo aad raadinaysay in lagu siiyo e
1 Naftayda waxaan marwalba oo ay murug iyo culays dareento aan hor gayn lahaa allah S.W.T anigoona ka codsanaya inuu culayska fudayd igu badalo,
Murugtana farxad iigu badalo
2 Naftayda waxaan marwalba kula dadaali lahaa cibaadaadka waxaan jeclaysiin lahaa qaadashada waxwalba oo khayr ku jiro waxaana marwalba ka agdhawaan lahaa goobaha khayrku ka jiro
3 Naftayda waxaan bari lahaa samirka iyo dulqaadka waxaana ku qasbi lahaa waxwalba oo noloshayda soo mara khayr ha ahaado ama shar ha ahaado inay aaminto inuu qadar alle yahay
4 Naftayda waxaan ka ilaalin lahaa dhamaan waxyaabaha ay jeceshahay waxaana marwalba ku qasbi lahaa waxay dhibsanayo
Wakii xadiiskii nabi muxammad ahaa NNKH naarta waxaa dayr looga dhigay waxyaabaha ay naftu jeceshahay halka janadana dayr looga dhigay,
Waxyaabaha naftu ay necebtahay markaa si aan naar uga badbaado janadana uhelo waxaan marwalba samayn lahaa waxyaabaha naftaydu dhibsanayso badalka waxyaabaha ay iyadu jeceshahay
5 Naftayda waxaan bari lahaa qiimaha daacadnimada
Waxaan marwalba go'aan san lahaa inaa noqdo qofka marwalba la dulmiyo la khiyaamo been loo sheego ,,
Intaas anigoo ka cararaya naftaydu inay been sheegto ,khiyaamo samayso , ama ay Noole kale dulmiso
Waxaana kula talin lahaa marwalba inay ahaato ta iyada la khiyaamayo la dulminayo balse aysan marnaba dhicin inay iyadu wax khiyaanto
6 Naftayda waxaan bari lahaa aargudsi ku dhisan cafis iyo naxariis
Tusaale haday dhacdo maalin maalmaha kamida qof inuu khalad iga galo ama uu wax xun igu sameeyo
Waxaan ku dadaali lahaa si aan uhelo jaanis aan qofkaan kaga aargudan karo ,
Markaan arko Wakhtigii aan ka aargudsan lahaa awoodna uyeesho waxaan tusi lahaa qofkii ixumeeyay awoodayda markuu cabsado ,
Ee uu isdhaho walee maanta ayuu Carafad kaa jari doona wuxuu xumaa ee aad ku samaysay waan utagi lahaa waxaana ku dhihi lahaa ,
Ilaahay dartii baan ku cafiyay waadna aragtaa inaa leeyahay awood aan kaaga aargudan karo waxaa rabona kaaga samaysan karo balse marabo inaa ku dhibaateeyo waayo walalkeey baa tahay
Midna niyada ku hay igama ahan arintaan inaa kaa cabsanayo ama aan fulay ahay ee waa inaa iska naxariis badanahay ,
Balse qofkaasi haduu marlabaad igu soo laabto wuxuu igu sameeyay 1000 jeer wax ka wayn baan ku samayn lahaa waayo horaa loo yiri
Nin Shantaa kaa celin sharci kaaam celiyo
7 Naftayda waxaan kula talin inay asturto dhamaan ceebaha bani'aadamka waayo ilaahay baa adna ceebahaaga asturi doona markaad asturto ceebaha adoomihiisa .
8 Naftayda waxaan ka ilaalin lahaa dhamaan dambiyada macaasida iyo waxwalba oo alle iga fogayn kara intaa awoodo marwalbana ilaahay ,
Waxaan ka baryi lahaa inuu dambiyada iga dhowro haday dhacdo inaa dambi ku dhaco ileen bani'aadam baan uahaye
Sida ugu dhakhsaha badan baan dhinaca ilaahay ucarari lahaa uguna sujuudi lahaa anigoo ka tawbad keenaya dambigaas walibana si daacad ah ilaahayna ka baryaya inuu towbadaas iga aqbalo
9 Naftayda waxaan usamayn lahaa sharciyo hadii loosoo dhaafo geeri ama gacan ay doorbidi karto
Yacnii waxkasta waan isaga dulqaadan lahaa ilaa arimo hadii xagooda la iga soo maro aan control usamayn karayn xanaqoofa qofkaasna ruma ahaantii waxaan gaarsiin lahaa laba mid uun ama inaa dhakhtarka loo qaado ama inaa qabriga loo qaado haday dhici waydana aniga ayaa booskaas gali lahaa ,
Waxaana samayn lahaa waxkasta oon ku dhibaatayn karo qofkaas balse kaliya waa intuu xanaqaygu kacsan yahay markuu dago waan iska cafin lahaa qofkaas
Inkastoo ay jiraan arimo aan cafin !
10 lagama yaabo waligey qof aan halmar ku kalsoonaaday oo been ii sheegay amase ikhiyaamay inaa dib uu dambe u aamino amase dan uga yeesho
Sidoo kalena gabi ahaanba waxaan ka saari noloshayda yacni kama wado xidhiidhkaan ujari lahaa oo in cuqdad caloosha la isugu hayo waxaa inaga reebtay diinteena anigoo waxba ,
Caloosha ugu hayn oo uu qalbigayga iyo niyadaydu saafi tahay qofkaas waxaan kala laaban lahaa kalsoonida waxwalba oo uu idhahana ama uu sameeyana waxba kamasoo qaadi lahayn
Waxaana ula dhaqmi lahaa sidaan dadka aan garanayn ama aan ii dhawayn ula dhaqmo anigoona wax dah ah ka yeesheeh.
11 Marwalba oon arko go'aan naftayda wax ka badalay amase waxyaabo aan sameeyay oo horumarka noloshayda iga caawiyay
Waxaan usoo bandhigi lahaa dhamaan walaalahay badalkii aan qarsan lahaa waayo waxaa marwalba jeclahay heerka aan gaadho
Inaa qofwalba oo iga hooseeya isla markaasna heerkaas ku haminaya inuu mar uun gaadho inaa soo gacan qabto intaan awoodo
Ugu dambayn adiguna maxaad kula talin lahayd naftaada bal si aan aniga iyo dadkuba kaaga wada helno talo naga maqnayd qaybta commentiga noogu reeb
Mahadsanid#
Comments
Post a Comment