5 arimood oo kuu suurto galinaya inaad Fahanto nolosha


 Marar badan waxaynu aragnaa dad badan oo nolosha ka dhaca halka qaarkood ayba gaadhaan heer ay is dilaan ama ay nolosha isaga tagaanba ,Hadaba xagan waxaad ka heli kartaa 5 arimood oo ku sahlaya inaad fahanto nolosha sidoo kalena aad ku raaxaysato dhibaato la'aan xagan hoose igala soco 

1 Ahaw marwalba qof ilaahay udhow 

-aragtiyo badan waxay sheegayaan ahaanshaha qof

Marwalba eebe udhow inay noqon karto sobobta

Farxadaada hadaba arintaan marnaba ha sahalsan 

Incha allah maqaalo kale baan kasoo diyaarin doona

Qaabka ugu sahlan ee arintaas usamayn kartid.

2 ilaali salaada marwalba iyo xaalad walba

-sida aynu wada ogsoonahay  rasuulku NNKH wuxuu noo sheegay dhibaato walba xalkeedu inuu yahay salaada sidoo kale waxaa marnaba la isko indho tiri karin arinta  ah azxaaptu marwalba oo ay wax ubahdaan kaliya inay iyaga iyo ilaahay udhaxaysay 

Salaadu hadaba marwalba aynu ku dadaalno taas.

3 ilaalinta wakhtiga salaada iyo goobta 

-badankeen siiba dumarku ha ubadnaadeene waxaa dhacda inaynu dib inooga dhacdo salaadu arintaas oo ah dhibaato aad ugu baahday umadeena musliminta,

Sidoo kale waxaa jira dhibaato kale oo ah mid haysata raga badankeen waxaynu ku tukanaa guryaha halka aynu aadi lahayn masaajidka arintaas oo badanaa cudur daaryo been ah usamaysano lakin saxipayaal waxaa jirta maalin maalmaha kamida in uu nabiga NNKH u yimaaday nin indhoole ah kuna yiri nabi alloow wax ma arkee cid misaajidka ikeentana ma haystee  kawaran hadaan gurigayka ku tukado nabigu markii hore wuu ka ogaladay lakin ninkii markuu bilaabay inuu dhaqaaqo ayuu uyeedhay wuxuuna ku yiri sow ma maqashid eedaamka markaas buu yiri haa waa waan  maqlaa markaas buu ku yiri soo ajiib eedaanka yacnii soo dhagayso codka oo usoo dhaqaaq jihada uu kaa xigo hadaba inaga ooy lixdii lixaad noo dhamaystiran yihiin caafimaadna qabna maaha inaan guryaha ku tukano ee marwalba salaada aynu misaajida ku ilaalino ragooow!

4 ka fogaanshaha macaasida iyo waxyaabaha xidhiidhka idinka dhaxeeyay adiga iyo alle hoos udhigaya 

Horta labadaas arimood badana waa isku mid hadaba waa maxay macaasi ?

Macaasidu waa waxyaabaha diintu xarimtay ood si illegal ah ama sharci daro ah usamayso 

Sida:-balwadaha noocyadooda kala duwan , zinada noocyadeeda kala duwan , heesaha , isku eekaysiinta gaalada i.w.m 

Hadaba arimahaas oo dhan iyo qaarkale oon sheeginba waa xaaraam markaa samayntooduna waxay kaa dhigaysaa qof ilaahay ka go'ay aynu iska ilaalino zaxipayaal.

5 Sadaqada iyo xidhiidhinta qaraabada 

Waxaa jira qisooyin badan oo kasoo arooray labadaas arimood hadaba maxay tahay faai'dada nagasoo galaysa inaynu arimahaas qabano |

Ok Ugu horayn xidhiidhinta qaraabadu waxay ka dhigaysaa inaad noqoto qof la jecel yahay ilaahayna udhow marwalba ood buuqato qaraabadaada ama aad ka warhayso danayn iyo ixtiraam iyo jacayl umuujiso waa marwalba ood ilaahay ka hesho arintaas badalkeeda oo ah naxariis iyo  xasilooni sidoo kale waxaa iyadna meesha ka maqnayn farxad 

Waxyaabahaas badankoodna waa sobobaha ugu badan ee qofku haduu heli waayo uu nolosha unaco ama uu isku dilo sidoo kale ha iloowin sadaqada ayaa ah qanaacada marwalba ood wax sadaqaysato waa marwalba ood qanaaco hesho waayo ilaahay s.w.t ayaa waxaad haysato 100 jibaar iyo kabadan kugu badalaya kuuna  barakaynaya hadaad arimahaas heshana qanaaco waad heshay wayna adagtahay adigoo waxaa tahay ku qanacsan iyo waxaad haysato inaad nolosha fahmi waydid .

Comments

  1. Wixii faalo ah ama xasuusina ha iloobina qaybta commentiga inaad igalasoo wadaagtaan love you dhamaan zaxipayaal

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular Posts