3 factors that can contribute to the development of your life

 


Xagan waxaynu kaga hadli doona sida ciwaanku yahay 3 arimood oo kor uqaadi kara horumarka noloshaada 


Ugu horayn waa maxay horumarku 

Hadaynu qeexno erayga horumar waa isbadal dhinac walba ah oo ku yimaada noloshaada 


Waxaa jira qaabab badan oo ay noloshaadu isku bedeli karto tusaale ahaan hadii noloshaadu heer sare ay joogtay isla markaasna ay imato heer hoose kaas dhihi mayno horumar !


Waxaad is waydiinaysaa hadaba arinkaas maxaa la dhihi karaa , 

Waxaa la dhihi karaa dibmar ama inaad qayrkaa ama dadkii kula level ka ahaa aad ka hadho  ood hoos ugasoo dhaadhacdo 


Hadaba sida uu ciwaankeenu yahay maanta waxaan ku sheegi doonaa 3 arimood kuwaas oo inaad dib martid ama aad qayrkaa ka hadhid kaa hor istaagaya ,



Isla markaasna kuu fudaydinaya sidoo kalena kugu dhiirinaya inaad horumar sare aad noloshaada gaarsiiso hadaba haan ku sheego arimahaas aan kor kusoo xusay 


1.daacadnimada 

Waa maxay daacadnimo ?


Daacadnimadu maaha balan aad gashay ood kasoo baxdo ama alaab lagugu aminay ood si fiican u ilaaliso ama qof ku jeclaaday oo kalsoonidii uu ku siiyay aad ilaaliso 


Arimahaas oo dhani maaha daacadnimada laftirkeeda ee dhamaantood waa arimo  hoos imanaya daacadnimada isla markaasna aynu dhihi karno ,


Hooyo iyo aabe waxaa uah daacadnimada 

Hadaba haan ku sheego daacadnimada dhabta 


Daacadnimadu waa ahaanshaha ruux dhamaystiran 

Almacnaa ruux dhinac kaste ka dhisan hadaan sii faahfaahiyo dhamaan arimahan hoos ku xusan laga wada heli karo noloshiisa


Balanta oofin yaqaana 

Dulmiga iska ilaaliya

Khayaano aan aqoon


Sidoo kale beenta iyo dhamaan waxyaabaha diintu ay xarimtay aan aqoon amase isaga dheeraada gabi ahaanba 


haka reebin iyagna dhamaan arimihii aan soo sheegnay ee ay daacadnimadu hooyo iyo aabe uahayd hada waxaan qiyaasayaa inaa xooga ila fahantay 


Waxaan ula jeedo daacadnimo soo maaha akhriste.


2. Masuuliyada 


Ahaanshaha ruux masuuliyad qaadi kara maaha arin sahlan ama si fudud lagu noqon karo waayo qaadida masuuliyadu waxay ka rabtaa dadaal iyo firfircooni ,karti dheeraad ah ood uleedahay qabashada hawl gacantaada lagu aaminay .


See baan ku noqon karaa qof masuuliyad lagu aamini karo ama qaadi kara ?


Ugu horayn qofka masuuliyada udhiibaya dadka wuxuu doortaa isla markaasna uu baadhitaan aad uqotodheer ku sameeyaa dhamaan dadka uu garanayo amase isaga udhow ,


Intaas kadib wuxuu gudo galaa doorashada qofka ugu haboon ee uu masuuliyadaas qaadi karo amase loo dhiibi karo laguna kalsoon yahay 


Hadaba sidee qofkaas unoqon kartaa ?


Horta talaabada koobaad ee lagaaga baahan inaad qaado ayaa ah inaad marwalba ka agdhawaato dadka badanaaa masuuliyadaha dadka udhiiba 


Waayo hadii aan lagu garanaynba way adagtahay sida lagugu aamino isla markaasna masuuliyad laguu saaro hadaba marwalba isku day inaad barato dadka masuuliyadaha haya kana ag dhawaato ilaha aad isleedahay walee xagaas waa lagaasoo  dhex xulan karaaa 


Talaabada labaad ayaa ah inaad marka ugu horaysa aad sii ahaato qof diyaarsan al macnaa qof firfircoon dadka kasoo dhex muuqan kara sidoo kalena howlaha yaryar ee laguu dhiibo 


Waa inaad uqabataa sidii howl wayn ood masuuliyad wayn iska saartaa ahaatana qof wixii gacantiisa soo gala marwalba dhamaystiri kara kuna baraarugsan dhamaan waxyaabaha looga baahan yahay iyo sharciyada loo baahan yahay inaad raacdi


Talaabada sadaxaad isku day marwalba guul ha yaraato guul daradaadu 


Dhiirigaliyaal faro badan waxay dadka kula taliyaan inay iska caadi tahay inay inbadan guul daraystaan hadaba iska ilaali dhamaan arimahaasi waa khalad 


Waayo waxay hoos udhigi kartaa dadaalkaaga waayo markasta ood is tiraaahdo is tijaabi naftaadu waxay isku dayi doontaa inay iska dhaadhiciso in hadii aad guul daraysato ay iska caadi tahay


 dadaal faro badan iyo karti hadii ay arimahaas maskaxdaada ku jirin aad heli kartayna waad waayi doonta oo waxaad iska ahaan doonta qof iska liita 


Sobobtoo ah halka mar eed guulaysato waa marka aad dhamaan dibada usoo saarto kartidaada dadnimadaada waxqabadkaaga markaad arimahaas aad soo gaadhsiiso heerki udambeeyay 


Si automatically ah waxaad helaysaa awoodo dheeraad ah ilaahay S.W.T ayaana dhamaan arimahaaga kugu garab istaagi doona waa marka aad dadaasho 


3 Dhiiranaan 

Sidee ku noqon karaa qof dhiiran ?


Ugu horayn waa maxay dhiiranaantu ?


Dhiiranaantu waa ahaanshaha qof isku kalsoon isla markaasna  waxqabadkiisu uu aad usareeyo 


Hadaba haan ku sheego sida aad ku noqon karto qof marwalba dhiiran 


Markaad rabto noqoshada ruux dhiiran horta ugu horayn waa inuu rabitaan dhab ahi  dhinacaaga ka yimaada isla markaasna aad go'aan ku gaadha ahaanshaha waxa aad doonayso 


Sidoo kale iyadna xidhiidhada qaraabadaada iyo familkaaga kaala dhaxeeyaa uu yahay xidhiidh aad uwanaagsan 


Waayo marwalba ood arintaas samaysaa naftaada waxaa galaysa kalsooni aad uwayn waxay ogtahay hadii xitaa lacala wax kugu dhacaan inay jiraan dad kaa dambeeya oo ku jecel kugu kalsoon isla markaasna xaqaaqa waxwalba haku qaadato e kusoo dhicin dooona 


Arinta kale ee dhiiranaantaada kor uqaadi karta waa inuu aad usareeyo xidhiidhka adi iyo rabigaa idinka dhaxeeeya arintaas ood ka heli karto kalsooni iyo xasilooni qalbigaaga dagta iyo meelwalba oo jidhkaaga kamida 


Hadaba akhriste hadii aad ka heshay qormadan aan kaga hadlayay arimaha ka qayb qaadan kara horumarka noloshaada hadii aad ka heshay sii gaarsii saxibadaad aaad iyagna la jeclaan lahayd inay noloshooda hormariyaan 


Sidoo kale wixii faalo ah amase talo ah waxaad igu reebi doontaa qaybta commentiga 


NABAD GALYO JAALAYAAL🙏.

 




Comments

Popular Posts